Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS, Sheekh Abuukar Maxamed, ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho, kaga warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya dadka deegaanka.
Deegaanada laga fuliyay hawlgalada ayaa ka mid ah Buurfuule, oo hoos taga deegaanka lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose. Guutada 14-ka Oktoobar, NISA, iyo maamulka deegaanka ayaa iska kaashaday howlgalkan, waxaana la sheegay in Khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare baaxad leh.
Afheyeenka ayaa xusay in ciidamada Qaranka ay si weyn u jabiyeen Khawaarijta dhibaateynayay shacabka oo ku dhuumaaleysanyay howdka xiriiriya gobollada Baay iyo Gedo, iyo sidoo kale gobollada Shabeellaha Dhaxe iyo Galgaduud.
Intaa waxaa dheer, Guutada 77 ayaa hawlgallo ay ka fuliyeen deegaanka Cali Heele oo hoos-taga degmada Ceel dheer ee Gobolka Galgaduud, ku dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, waxaana la gubay gaari Cabdi Bile ah oo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab ay kaga carareen.
Sidoo kale, Ciidamada Qaranka ayaa deegaanka Jowhar-Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, ku weeraray xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyagoo gaarsiiyay Khawaarijta jab xooggan.
Intii uu guda jiray Shirka Jaraa’id, Sheekh Abuukar ayaa xaqiijiyay in xubno ka tirsan Khawaarijta ay isu soo dhiibeen Ciidamada Qaranka, “waxaa batay isu soo dhiibayaasha u adkaysan waayay rafaadka ay Khawaarijta ku jiraan iyo weerarada joogtada ah ee ay fuliyaan Ciidamada Qaranka.”
Hawlgalladan ayaa muujinaya dadaalka hagar la’aanta ah ee ay ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan xakameynta khatarta Khawaarijta, si loo sugo amniga iyo xasiloonida dalka.