Afhayeenka Booliska oo xaqiijiyey qarax kooxda Khawaarijtu la beegsadeen gaari siday Arday

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey Qarax Kooxda Khawaariijta ah ee arxanka Daran la beegsadeen gaari ay saarnaayeen Arday.

Kooxda Khawaariijta ah ee arxanka Daran ee caadaysatay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ayaa qarax miino la eegtay gaari ay saarnaayeen Arday,kaas oo marayay Wadada Schoolka Gutaale ee Degmadda Deyniile, sida uu Wakaaladda wararka ee SONNA xaqiijiyey Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Qasaaraha ka dhashay Qaraxan bahalnimada ee khawaariijtu geysatay ayaa ah Dhimashada laba Arday iyo Dhaawaca 5 Arday oo kale.