Afhayeenka Booliiska faah faahin ka bixiyay qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Saadiq Aaden Cali (Duudishe)  ayaa faah faahin ka bixiyay laba qarax oo maanta ka dhacay meel u dhaw isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in Argagixisada ay weerarka la beegsadeen goobo waxbarasho oo ka ag dhaw isgoyska Soobe, halkaasi oo xilliga dad badan oo shacab ah ku sugnaayeen.

“Qaraxyada oo labo ahaa Waxa ay la beegsadeen isgoyska Soobe ama KM5 oo ahaa goobtii ay Shan sano ka hor ku laayeen dadkii birimagayda ah 14 October, waxaana ujeedka weerarka ahaa beegsiga xarun waxbarasho oo loogu adeegayay ardayda Soomaaliyeed, laakiin ciidanka qaranka ee geesiyaasha ah oo sii hayay xogta dhagarta argagixisada ayaa ka hortagoodu waxa uu yareeyay Khasaarihii ay cadowga khawaarijta ah la damacsanayeen shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in uu socdo tirakoobka dadka ay wax ka soo gaareen qaraxyada, isla markaasn ay dib laga soo gudbin doono.