ADEEGGA E-BESA MUNAASABAD LAGU DAAH-FURAYAY OO MUQDISHO KA DHACDAY

Maalinba maalinta ka dambeysa ayaa dalkeennu wuxuu qaadayaa tallaabo horumar leh taasoo ku aaddan Munasabad aad looga soo shaqeeyay  oo lagu daah-furaay adeeg cusub oo lagu magacaabo E-BESA oo ay soo kordhisay IBS bank ayaa lagu qabtay magaladda muqdisho.

Haddaba, waxaa ka soo qeyb galay xafladda furitaanka adeegga cusub madax kala duwan oo ugu horeeyay Ra’iisul wasare Xamsa Cabdi Barre, Gadoomiyaha gobalka banadir ,gadoomiyaha bankiga dhaxe ee soomaliya, xildhibaanno, Wasiirro iyo marti Sharaf kale oo ka socotay madaxda Bankiyada kale ee ka shaqeeya dalka ayaa sharaxay adeega cusub ay iska kaashadeen IBS bank  iyo shirkadda somlink’’ .

waa hanaan maaliyadeed oo casri ah oo kuu fududeynaya lacag dirista telefoonka waxaadna ku isticmaali karta mobile kaaga goor kasta’’ adeegan ayaana noqonaya mid lagu diri karo shilling soomaaliga iyo lacagaha qalaad taaso dadka ka soo qeyb galay xafladda ay ku tilmameen ilaalinta shilling soomaaliga iyo dib u-soo celinta qiyaamka lacagta dalkeena.

sidoo kale gadoomiyaha  ayaana carabka ku dhuftay inay fursad u tahay dhalinta soomaliyeed shaqo abuurna ay ka heli doonaan adeega oo  bankiga soo kordhiyaay ‘’ hiigsigeena sanadka kowaad  in labaatan  kun shaqo abuur ah sameyno –sanadaha xiga waxaa hiigsi noo ah boqol  kun inan shaqo abuur   u sameyno oo ah  dhalinyaro soomaaliyeed.’’

Sido kale waxaa goobta  ka hadlay mudane ra’isulwasare Xamze Cabdi Barre ayaa oo ku bogaadiyey bankiga IBS bank hormarka ay dalka kuso kordhiyeen