HADDII LAGA XOREEYAY MAXAA KALOO LOO BAAHAN YAHAY?

Waxaan maanta isha la raaceynaa meelihii laga xorreeyay maleeshiyaadka qaabka daran ee argagixisada Al-Shabaab, oo haatan loo yaqaan (Khawaariijta)

Waa dhab in laga xorreeyay deegaamo badan oo ay salka dhigteen muddo dheer iyagoo mooday inay xalaaleeysteen.

Waa loo baahnaa waana arrin laga soo daahay waana guul usoo hoyatay ummadda iyo muwaafaqada la gaaray, waa arrin ammaanteeda leh soomaaliya oo iska tabar yar inay la dagaasho argagixiso caalami ah.

Teeda kala, waxaa habboon in dagaalka socda uusan noqon hal bacad lagu lisay ee uu noqdo sida mid guul dhameystiran laga gaaray.

Haddaba, dhulalka laga xorreeyay maxeysatada gaajada ah ee aan waxba ummadda u reebin, waxaa dowladda iyo bulshada soomaaliyeed looga baahan yahay inay la gaaraan gurmad deg deg ah oo weliba isdaba joog ah, waayo dadkii ku dhaqnaa halkaasi waa dad ay naftu ku daba yartahay oo muddo dheer gumeysi ku jiray kadibna laga qaatay xoolo iyo xandho waxii ay lahaayeen.

Haddaan usoo laabto muhiimadda aan ka leeyahay maqaalkaan waa in xorreyntu noqoto mid isdaba joog ah oo aan firaaq la siinin cadowga si uu u helo fadhi fiican oo uu biyo ku cabo qorigana ku cabeysto, waaba inaan laga daba harin sidii uu cararo waa in loo daba socdaa oo marnaba loo neefin taasi ayaa sababi karta inay isa soo wada dhiibaan markii cagta cagta loo saaro.

Waan ka saarnay waan ka harnay, way isaga baxeen sax maahan waa in laga dhigaa digsi kor iyo hoos dab ka shidan yahay oo kale, waayo haddey fursad kuu helaan way kuu fikirayaan laakiin haddii leyska daba socdo mahelayaan waqti ay dhulka wax kugu duugaan xitaa, taasi waa taas.

Teeda kale, dhulalka laga xorreeyo argagixisada loogama baahna in caweys lagu dhaxtuntee waxay u baahan tahay in isla markiiba la geeyo ciidammo boliis ah iyadoo dib u habeyn deg deg ah lagu sameynayo xeryahii ciidammada iyo saldhigyadii booliiska, waxaa sidoo kale loo baahan yahay in isla markiiba la magacaabo maamulkii degamadaas ama tuuladaas iyadoo la soo celinayo dhammaan nidaamkii dowladnimo.

Waa arrin muhiim ah in isla markiiba la dhiso dadkii mas’uul ka noqon lahaa degmada ama tuulada ciidammo rigli ah ee la wareega ammaanka halkaasi si ay ciidammada usii wataan howlahooda xorreynta mana aha tuula kasta ama degmo kasta in laba isbuuc ama bil leyska dhax fadhiyo soomaalida waxay ku maahmaahdaa “Howsha aan ku hureynin waa leyska horraamiyaa”

Haddaba, geesiyaasha sooma jeestayaasha Ciidammada qalabka sidaa ee naftooda u huray inay dalka ka xorreeyaan kana difaacaan Argagixisada mindhicirrada dadka cuna ee ay soo dirsadeen shisheeye aan doonaynin in dalkeennu xasilo u sheegayaa in ay cadowga u diidaan hurdo iyo inuu harsado, waa in la gaarsiiya in uu isgaran waayo iyo inuu afka la gefo gacanta taas ayaa leydinka sugayaa, waana ina noqdaan hal la dilay oo la waray iyo hal la qabtay oo garbaashka lagu wado.

Sidaas daraadeed, waa in muhiimmadda laga abaaraa xorreynta laga leeyahay ee aan lagu mashquulin ciyaaro iyo faan iyo annagaa reer qurac iyo reer qansax ah, howshu waa inay ku socotaa hal gacan oo soomaalinimo ah, taas ayaana ku gaari karnaa guusha kama dambeysta ah.

WQ: Ina Boodda Dheere