Abwaan Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir oo Muqdisho ku geeriyooday

Alle ha u naxariistee, Abwaan Cabdikariin Faarax Qaarey (Jiir) ayaa goordhaw ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho oo uu dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku xanuunsanaa.

Wasiirka,wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka iyagoo Allaah uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo..

Cabdikariin Faarax Qaarey, oo ku magac dheeraa Jiir,sidoo kale, waxaa uu kamid  ahaa mulaxamiistayaasha Soomaaliyeed., wuxuuna lafdhabar u ahaa bahda fanka.

Alle ha u naxariistee, Abwaan Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir wuxuu sannadkii 1943-dii ku dhashay magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.