Abaaro daran oo laga soo werinayo gobolka Gedo

Soomaaliya ayaa waxay wajaheysaa abaaro ba’an oo soo noqnoqday gobollada koofurta waxaa sanadiihii ugu danbeyay saameeyay abaaro uu sababay roobka oo xilligiisa ku di’in

Haatan baartu waxay si gaar ah u saameysay reer miyiga xoolo-dhaqatada ah.

Gedo ilaa Jubbada Hoose, waxay ka mid yihiin meelaha ugu daran ee abaaraha xoogan ay ka jiraan xiligaan oo la sugayo roobka Deyrta.

Roobka oo aan xilligiisa ku di’in, cimillada caalamka oo xumaatay iyo dhirta oo lajarayo ayaa loo aaneeyaa abaaraha soo noqnoqda ee ka jira Geeska Afrika.