Abaar ba’an oo ka jirta deegaanada koonfurta Soomaaliya

baar ba’an ayaa laga soo sheegayaa deegaannada Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Gedo, Baay iyo Bakool.

Abaartan ayaa saameysay dadka iyo duunyada, waxaana ku xoola beelay boqolaal qof oo maalmihii u dambeeyay gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Roob la’aan deegaannadaasi ka dhacday sanadihii lasoo dhaafay ayaa keentay in dadka iyo duunyadaba ay si weyn u taabato abaarta, waxaana taas ay uga sii dartay abaarta jirtay.

Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa ay sheegeen in Abaarta jirta ay si ba’an u sameeysay 66 degmo oo ka tirsan degmooyinka kala duwan ee Gobolada dalka Soomaaliya oo ay kunool yihiin qoysas farabadan.

Sidoo kale, UN-ta iyo Hay’adaha ee gargaarka dalka ayaa calaamadeeyay in 7.7-milyan dad ah sanadka 2022 u baahan yihiin gargaar bini-adanimo, balse la caawinayo 5.5-milyan oo ah kuwa nugul.