Abeeso ayaa rag badan soo cuntay isla markas ayey soo carartay waxaana ka horyimid nin shiikh ah waxaana ku tiri shiikhoow I bad baadi oo meeshaan iga qaad oo garabkaaga I saar igana fogee colbaa isoo daba joogee.
Shiikhiina wuu aqbalay wuxuuna ku duubay go,iisa garabkana wuu saaray nimankii abeesada soo raadiyey waxay waayeen meel ay u booday waxayna isaga laabteen meeshii ay ka yimadeen.
Shiikhii abeesadii wuxuu geeyey meel aad u fog cida badan meel ay degan yihiin wuxuuna yiri iga soo deg meeshii aad rabtay waan ku keenaye waxayna ku tiri degi maayee noogee dad maahane xoolo noo gar qaada waxaana loo tegay hal iyo rati waxayna ku soo geban gebayeen aadane abaal ma leh ee haka degin.
Wax badan ayuu garabka ku siday shiikhii wuuna daalay waxuuna helay markii uu hiil hagar u jabay aya waxa u timid dawaco waxayna ku tiri anigu uma garqadayo naf naf saaran dhulka soo fariista dhulka wayna aqbaleen in ay dhulka soo fariistaan si loogu gar qaado shiikha iyo abesada waxayna ku tiri: Shiikhoow madaxa ku dhufo shiikhiina ul ayuu la booday madaxa ayuuna ku dhuftay welina sidii ayaa madaxa looga dilaa abeeso.
waxaana lagu maahmaahaa: inan iyo abeeso afkooda ayey u dhintaan, iyaduna waxay tiri aadane markaan arkana waxaan irahdaa aarso markii aan ilaahey eegana waxaan iraahdaa aayarso oo nabad geli ummadda ilaahey.
sidaas awgeed, ulajeeddada sheekadaan waxay waano iyo tusaale u tahay in abaaldarrada laga fogaado lana fuliyo ballanta iyo waxii lagu heshiiyo waxaa kasii daran caasnimada ilmuhu ay ku caasiyaan waalidkii dhalay oo soo koriyey ka dib markii ay qaan gaaraan ilmuhu lagana sugaayey abaalkii iyo anfac iyo adduunya ah oo lagula soo hoowshooday intii ay yaraayeen haddii ay gudan waayaan aakhiro iyo adduunba waa laga jaaseeyaa.
haddaba dadka islaamku wuxuu isku leeyahay xaq badan abaaldarradu ma ahan wax wanaagsan waana sidaas oo kale mana habboona in la iskala dhaqmo abaaldarro iyo qayaano taasuna waxay dhashay colaad iyo uur ku taallo ay isu qaadaan aadanaha iyo abeesada, waxaana ka dhexbilloowda is ugaarsi hayeeshee dhibka oo dhan qof ayaa billaaba naf ka mid ah noolaha ilaahey abuuray waxaana ka dhasha xumaan ama wanaag waxaana aad iyo aad u wanaagsan in aan la abuurin xumaan waayo geedkii aad abuurtaa miraha uu dhalo adiga ayaa guranaya macaan iyo qaraar wixii ay mirahaasi naqdaan.
waxaa habboon in laga wada shaqeeyo danaha guud iyo kuwa saaxiibtinimo ee gaarka ah lagana fogaado wax kasta oo keeni kara xumaan iyo is naceyb iyo weliba kala fogaasho abaaldarro iyo kala irdhow.
Waxay soomaalidu ku maahmaahdaa gacmo isdhaafaa galladi ka dhalataa ama iicunbaa iicun dhasha kulligoodba waxay ka hadlayaan wanaag iyo isu abaalgud waxeyna ka digeysaa abaaldarro iyo caasinimo diinta muslinkuna wey ka hadashay.
haddaba soomaaliyey guusha iyo barwaaqadu waxayka dhashaan aamaahda oo la isu celiyo waayo abaal qofkii kuu gala waa qof amaah kugu leh oo kale in kastoo soomaalidu ay mar kale ay tusaale ka bixisay waxayna tiri: Abaal Nin galay in badan baa la arkaa, laakiin Nin gudaana in yar baa la arkaa.
Sidaas darteed iska ilaaliya abaal darrada
WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre