“Aabahay waxaa dilay Al-Shabaab, waxaana i korineysa Dowladda” (Warbixin)

Waa arrin xanuun badan in aad weyso adigoo sabi ah qeyb kamid ah Waalidkaa ka oo qeyb ka qaadan lahaa koriimada iyo daryeel noloshaada intaba,waxa aan ka hadlayo waa Carruurta Agoonta ciidanka Booliiska Soomaaliyed kuwaa oo ay khawaarijtu dileen Abayaashood.

Sida aya rabtay khawaarijtu in nolosha carruutan ay mugddi u gasho ma aysan dhicin dowladda Soomaaliya ayaa u istaagatay in ay kafaala qaado nolosha,Caafimaadka ,waxbarasho Amni ee caruurtani oo wajiyadooda laga dheehan karay sida ay ugu farax sanyihiin daryeelka ay ka heleen dowladooda.

Warbaahinta qaranka ayaa booqatay xarunta Barbaarinta Agoonta ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaa oo lagu xananeeyo in ku dhow 300 (saddex Boqol) oo ah carruurta Agoonta ciidanka Booliska soomaaliya,kuwaa oo dowaladu kafaalla qaaday in ay helaan inta Carruurta lamidka ah ay helaan sida waxbarsho,Caafimaad yo guud ahaan waxyaabaha nolosha Aas-aasiga u ah,iyagoo labaro waxbarashada Maadi iyo Diini intaba.

Ilama kasta waxa xaruntan keenna hoyooyinkood  kadib markey agoonteyeen oo Aabayashood ay dileen khawaarijta,haddaba sidii carruurtan loo keena xaruntan waxaa su’ashan weydiina sareeyo Guuto Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ah maamulaha xaruntan

“Waa in la soo maraa taliyaha ciidanka Booliiska  lana xaqiijiyo qofka dhimashadiisa,codsi  Maxkamada laga soo qorto wayo waxa macquul ah in marxuumku laba xaas katagay wanu xaqiijina kadib ayaa xerada la kenaa” sidaa waxa yiri taliye Cali Gaab

Arrinta cajiibka ah ayaa ah in ha’adda Booliiska sameeysay isku tashi kana dhabeeysay in koriima bilaash ah ay helaan carruurta ay ka dhintaan askarta iyo sarakiisaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxana  si ay arintaa u dhaqan gasho talisku uu sameeyay in bil walba askariga Booliiska mushaarka uu qaato looga jaro Hal doolar,lacgtaa oo kaalin weyn ka qaadata daryeelka iyo waxbarashada caruurta Agoonta ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

“Wax aan la kulanno oo caqabad ah ma jiraan,cidnna looma baryo caruurtaan lacagta Akoonbaa loogu shubaa lacgtaa oo bil walba gaarto14,700(Afar iyo toban kun todoba boqol oo doolar) taa ayanu wax ugu karinaa”ayuu yiri markale Cali Gaabo

Carruurta qaarkood oo anu la hadalnay aya sheegay in ay u mahadcelinayaan dowladda askarta musharkooda qeyb uga jara,waxa ayna qabaan raja ah in markey waxbarataan ay ugu adegaan dalkooda iyo dadkooda si lamid waddadii ay ku baxeen abayashood oo ahaa geysiyaal wax badan u soo qabtay dalkood.

“Siddeed Agoon ah ayaan heystaa oo mid kamid ah ayaa  halkaan ku jiro kuwa kalana in aan keno oo wax la ii baraan rajeynaa  wana u mahadcelinayaa dowladda iyo Abbo Cali oo ah Maamulaha xarunta”waaxa sidaa yiri mid kamid ah walidiinta caruurtood ay ku jiraan xarunta Agoonta ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Intaasi caruur ah hal mar abayashood lama dilin midba meel ayuu Alle ku oofsaday Aabihiis,intooda badan waxa uu Alle ku sababay gacanta kooxada arxanka daran ee khawaarijta ah hada waxa loo soo jeeystay dowlad soomaaliya hadafka kowaad u ah dabar gooynta khawaarijta Agoonteeysay caruurtaan iyo kuwa kale oo fara badan..

Caruurtaani oo qarkood aad u yar yar ayaan u kuurgalnay sida ay u helaan adegayda ay u baahanyihiin iyo xananeyntooda waxana waxa kaweydiinay hooyo Xaawo Ayaanle oo kmaid ah walidiinta ay xaruntani u xil saaratay Caruurtani  daryeelkooda

“Qaar wey xanuun sanayan habeenkii kuwa wey sasayaan oo iska baxayaan waxas oo dhan waa in ad u tagnaata sidii ad uga caawin lahayd oo booskii waalidnimo u buuxin lahayd wana ku dadaalnaa” ayay tiri hooyo Xaawo

Xarunta Barmaarinta Agoonta carruurta ciidanka Booliiska soomaaliyeed oo ku taal Degmada Wadajir waxa ay furantahy mudda shan sanadood ah ,waxasa xusid mudan in gobolada dalkeenna uu ka howlgallo ciidanka Booliska soomaaliyed aysan xarummo  ku lahayn balsa mustaqbalka dhaw la rajeynayo in xaruma laga furo deganadasi