Xubno ka Socda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Magaalada Boosaaso

Xubno ka mida Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa maanta gaadhay Xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso.

Xubnaha Guddiga Waxa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Guddiga maamulka Doorashada heer Dowlad goboleed puntland(SEIT).

Ujeedada socdaal Guddiga GHDHF ayaa daaran qiimayn goobaha Codbixinta Doorashada Gollaha Shacabka iyo in la dardar galiyo howlaha shaqo ee deerashooyinka.