Afhayeenka baarlamaanka Turkiga Mustafa Sentop ayaa so jeediyey in dalal G-20 masuuliyad dheeri ah iska saaraan xal u helista isbedelka cimilada, afhayeenka ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Rome ku celceliyay in Baarlamaanka Turkiga uu horay u ansixiyay Heshiiskii Paris ee isbedelka Cimilada, wuxuu sheegay in dalalka wax badan ku biiriya wasakhda ay tahay inay qaadaan mas’uuliyado dheeraad ah.
Marka la tixgeliyo mas’uuliyadaha waddammada ee la dagaallanka isbeddelka cimilada, waa in sidoo kale la tixgeliyaa awoodda dhaqaale, ayuu yiri Mr Sentop.