Mirtha Vasquez oo noqotay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Dalka Peru

Madaxweynaha Peru, Pedro Castillo ayaa maanta wasiirka koobaad ee dalkaasi u dhaariyay haweeneyda lagu magacaabo Mirtha Vasquez, kadib markii uu dhowaan is casilay Ra’iisul wasaarihii hore dalkaasi.

Magacaabistan deg-degga ah ayaa timid kadib markii ay saacado ka hor is wada casileen R/wasaarihii hore Guido Bellido iyo dhammaan golihii wasiirrada ee dowladda Peru.

Madaxweynaha ayaa sheegay in R.wasaare Mirtha Vasquez durba soo magacawday qaar ka mid ah golaheeda Wasiirrada, si loo dardar geliyo howlaha hor yaalla dowladda.