Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ahna Senator la doortay Avv.Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan kula qaaday Magaalada Adis-ababa Xarunta Dalka Itoobiya Danjiraha DFS u jooga Itoobiya Danjire Cabdillaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), iyo u qeybsamaha Arimaha Ciidanka Ee Safaaradda
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa ka dhageestay Masuuliyiintan Dadaaladda Safaaradda ee ku aadan arimaha Ciidanka , gaar ahaan iskaashiga ka dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ee Dagaalka kula jira argagixisadda.