Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Hambalyo u diray ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho- Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa Booliska JFS ugu hambalyeeyay sanadguurada 77-aad ee aas aaska ciidanka Booliska oo ku asteysan 20-ka December.

Guddoomiye Mursal ayaa bogaadiyay dowrka wanaagsan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka qaadanayaan sugida amniga guud ee dalka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusaya sanadguurada 77-aad ee aas aaska ciidanka Booliska oo loo asteeyay 20-ka December.