Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Tuulada Ciyaaraha ee Muqdisho ka furay Ciyaaraha Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo kuwa dariska la ah, kuwaasi oo sanad walba la qabto halmar.
Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo baasay kubbada bilaabashada tartanka ayaa sheegay in ciyaarahan loo qabtay dhiirrigalinta dhallinyarada, kobcinta xirfadooda iyo caafimaadkooda.
Ujeeddooyinka loo qabto tartanka waxaa ka mid ah soo saarista ciyaartoy daโ yar ah oo mustaqbalka ka mid noqon kara xulka 15 jirrada qaranka Soomaaliyeed iyo xulalka kale , iyada oo tartamada degmooyinku ay door muhiim ah ka qaataan aqoonsiga iyo horumarinta hibada ciyaartooyda.
Tartanka oo uu soo qabanqaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, ayna qeyb ka yihiin Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubbadda Cagta, waxaa ka qaybgalaya xulal matalaya degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmooyinka dariska la-ah, waxaana lagu bilaabay Degmada Koobka haysata ee Hawl-Wadaag iyo xulka metelaya Gubta.
Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey dadaallada maamulka Gobolka Banaadir, qaban qaabiyayaasha, garsoorka coyaarta iy dhammaan inta ka qeyb-qaadatay tartanka lagu xoojinayo is-dhexgalka bulshada, nabadda iyo kobcinta ciyaaraha dalka.








