Baydhabo(Wargeyska Dalka):’Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey Shirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga deegaannada maamulkaasi.
Shirka ayaa si gaar ah looga hadlay xoojinta iyo kordhinta howlgallada Amniga ee ka socda Deegaannada Koonfur Galbeed, dardargelinta wadaagista xogaha Amniga iyo xoojinta iskaashiga Hay’adaha Amniga, si loo xaqiijiyo Nabadgelyada iyo Xasilloonida guud.
Sidoo kale, Kulanka ayaa lagu falanqeeyey qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda Amniga, ka hortagga falalka Amni-darrada ah iyo ilaalinta badqabka Shacabka ku nool Deegaannada Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta howlgallada Amniga, xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Amniga iyo qaadashada tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo Amniga iyo xasilloonida Deegaannada Koonfur Galbeed.
Shirka hoggaamiyaha waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Madaxtooyada, Saraakiisha Amniga iyo Saraakiisha AUSSOM.




