Muqdisho (Wargeyska Dalka ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta booqday Gogosha Tacsida Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble, isaga oo dhambaal Tacsi iyo duco ah la wadaagay Qoyskiisa, Ehelkiisa iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale saxiixay Buugga Tacsida Marxuumka, waxa uuna Alle uga baryay in uu Naxariisto, Hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdows, Qoyskiisa iyo dhammaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeedna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo.





