Muqdisho (Wargeyska Dalka):-Ururka Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay guusha Taariikhiga ah ee qabashada Doorashooyinkii ugu horreeyay ee tooska ahaa ee Goleyaasha Deegaanka ee ka dhacay Gobollada kala duwan ee Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale bogaadiyay wada-hadallada uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, la yeelanayo dhinacyada kala duwan ee Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan Xisbiyada Siyaasadda iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida Dalka, gaar ahaan Deegaannada la xoreeyay, iyo u diyaar-garowga Doorashooyinka Qaranka ee loo qorsheeyay Sannadka 2027.
War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Ururku diidan yahay dhammaan noocyada faragelinta Shisheeye ee lagu doonayo in lagu kala qaybiyo Soomaaliya, isaga oo cambaareeyay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa Madax-bannaanida, Midnimada iyo wadajirka Dhuleed ee Dalka.
Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay Warbixinta Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee ku saabsan Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyo Qorshaha Kala-guurka ee ay si wadajir ah u diyaariyeen Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qorshaha kala-guurka ayaa ka kooban Saddex marxaladood oo lagu dhimayo joogitaanka Ciidamada AUSSOM, kuwaas oo kala ah:
Marxaladda Koowaad: Nofeembar ilaa Diseembar 2026.
Marxaladda Labaad: Janaayo ilaa Diseembar 2027.
Marxaladda Saddexaad: Wixii ka dambeeya sannadka 2027.
Midowga Afrika ayaa ansixiyay marxaladda Koowaad iyo tan Labaad ee qorshaha kala-guurka ee dhimista Ciidamada AUSSOM loogu fuliyo hannaan nidaamsan oo marxaladaysan.
Dhanka kale, Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay garab-istaaggiisa Shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay inuu sii wadi doono taageerada dadaallada lagu xaqiijinayo Nabadda waarta, Amniga, Xasilloonida iyo Barwaaqada Dalka.
Ugu dambeyn, Midowga Afrika ayaa dib u adkeeyay sida uu uga go’an yahay Ixtiraamka Madaxbannaanida, Midnimada, Madaxbannaanida Siyaasadeed iyo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

