Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Bay, gaar ahaan magaalada Baydhabo.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga gobolka, howlaha ciidamada iyo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga iyo xasilloonida deegaannada gobolka.
Taliyaha ayaa saraakiisha ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amniga iyo howlaha socda, isaga oo kula dardaarmay inay xoojiyaan wada-shaqeynta, feejignaanta iyo gudashada waajibaadka qaran ee ilaalinta amniga iyo badbaadada shacabka.



