Soomaaliya oo sanadka soo socda bilaabeysa bixinta baasaboorka elektaroonigga ah

amhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay diyaarinta baasaboorka elektaroonigga ah ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo ka filayo in la bilaabo bisha Janaayo ee sanadka soo socda 2027.

Baasaboor-kan elektaroonigga ah wuxuu ku xirnaan doonaa nidaamka aqoonsiga qaranka ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la filayaa in adeegyada laga heli doono safaaradaha iyo qunsuliyadaha Soomaaliya ee dibadda.

Tallaabadani waa calaamad muujineysa sida dowladda Soomaaliya ay diyaarka ugu tahay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa dalalka ku mideysan bulshada bariga Afrika (EAC).

Baasaboorkaan electronigga ah wuxuu xoojin doontaa dhaqdhaqaaqa gobolka, isagoo fududeyn doontaa socdaalka dadka ee Bariga Afrika

2-Wuxuu taageeri doontaa safarrada la xiriira ganacsiga, shaqada, iyo fursadaha kale

3- Wuxuu waafaqi doontaa nidaamyada socdaalka iyo aqoonsiga ee Soomaaliya iyo qaab-dhismeedka EAC

4-Wuxuu xoojin doonaa maamulka xuduudaha ,isla markaana wuxuu horumarin doontaa hiigsiga EAC ,isagoo mideynaya aqoonsi wadareed ay wadaagaan dadka Bariga Afrika