Turkiga oo Warsheekh ka hirgeliyay Dugsi, kana dhagax dhigay Isbitaal cusub

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka hirgeliyay Dugsi Waxbarasho, isla markaana dhagax-dhigay Isbitaal cusub, iyadoo labada mashruuc ay qeyb ka yihiin iskaashiga labada dal ee horumarinta adeegyada bulshada.

Mashaariicdan oo ay maalgelisay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa loogu talagalay in lagu ballaariyo adeegyada Waxbarashada iyo Caafimaadka ee ay helaan dadka ku nool degmada Warsheekh iyo deegaannada ku xeeran.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ee xilka wareejinaya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay munaasabadda xarig-jarka Dugsiga oo ka kooban heerarka hoose, dhexe iyo sare, iyo dhagax-dhigga Isbitaalka cusub.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qaybgalay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan, Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiiru-dowlaha Caafimaadka, Dr. Maryan Maxamed Xuseen, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen, maamulka degmada Warsheekh iyo wasiirro ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa iyaguna goob joog ka ahaa munaasabadda.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Fiqi ayaa tilmaamay in labada mashruuc ay wax weyn ka tari doonaan daboolidda baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan helitaanka adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.

Mashaariicdan ayaa muujinaya miro-dhalka iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha bulshada iyo adeegyada aasaasiga ah ee dalka. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeedna waxa uu door muhiim ah ka qaataa sugidda amniga iyo xasilloonida, kuwaas oo saldhig u ah hirgelinta mashaariicda horumarineed iyo adeegyada bulshada.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga

Hirgelinta mashaariicdan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya iyo Turkiga ay wadaan dadaallo lagu ballaarinayo iskaashigooda dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, difaaca iyo horumarinta kaabayaasha adeegyada Bulshada.

Mudsne Fiqi ayaa bogaadiyay iskaashiga labada dowladood ee suurageliyay hirgelinta dugsiga iyo bilaabidda dhismaha isbitaalka, isagoo sheegay in horumarinta adeegyada bulshada ay saldhig u tahay dib-u-dhiska dalka. Waxa uu dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka, iyo xoojinta hay’adaha difaaca iyo amniga.

Xigasho: TRT