Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Dalka oo qaabilay Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Indonesia

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Caafimaadka Jamhuuriyadda Indonesia, Mudane Budi Gunadi Sadikin iyo wafdi uu hoggaaminayo.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, iskaashiga dhinacyada caafimaadka, tayeynta xirfadlayaasha caafimaadka, helitaanka dawooyinka iyo horumarinta adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

 

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay musharraxnimada Indonesia ee xilka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee muddada 2027–2032.

 

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga, si loo gaaro horumar waara oo ay ka faa’iideystaan shacabka labada dal.