Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ka qayb galay kulanka caalamiga ah ee talo-wadaagga goleyaasha fatwada Islaamka (International Fatwa Council Consultation Meeting), oo maanta ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo ay isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Diinta, Madaxda hay’adaha Diinta, Muftiyo waaweyn iyo culimo caan ka ah dunida Islaamka.
Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Diyanet ee dalka Turkiga, waxaa ka qayb galaya in ka badan 100 marti-sharaf oo ka kala socda in ka badan 50 dal, waxaana furitaankiisa ka qayb galay Madaxweynaha Hay’adda Diyanet, Prof. Dr. Safi Arpaguş.
Kulanka oo hal-ku-dhiggiisu ahaa ( Midnimada Umadda Islaamka iyo Goleyaasha Fatwada ee ka Jawaabaya Caqabadaha Caalamiga ah) , ayaa diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa hannaan wada-tashi oo joogto ah oo mideeya goleyaasha fatwada ee dalalka Islaamka.
Sidoo kale ajendayaasha kulana ayaa waxaa qeyb ka ahaa:-
Mideynta aragtida culimada iyo xoojinta walaaltinimada umadda Islaamka. Ka jawaabista su’aalaha cusub ee ka dhasha tiknoolajiyadda iyo sirdoonka macmalka ah (AI), iyo La-dagaallanka xogta diineed ee khaldan iyo fatwooyinka aan ku dhisnayn cilmi iyo aqoon sugan.
Madaxweynaha Diyanet, Prof. Dr. Safi Arpaguş, ayaa khudbaddiisa furitaanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in culimada Muslimiintu yeeshaan mowqif mideysan, isla markaana ay dhisaan habab wada-tashi oo awood u leh inay ka jawaabaan caqabadaha cusub ee haysta dunida.
Ka-qaybgalka Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya, wuxuu ku soo aadayaa xilli ay muhiim tahay in Soomaaliya ay xoojiso xiriirka ay la leedahay hay’adaha diinta ee caalamka, ayna qayb ka noqoto wada-tashiyada lagu wajahayo arrimaha fatwada, waxbarashada diinta iyo horumarinta hay’adaha Islaamiga ah.
Inta uu halkaa ku sugnaa wasiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Diinta Turkiga ee Diyanet (Diyanet İşleri Başkanlığı). Prof. Dr. Safi Arpaguş, kaas oo ay uga wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta Sanduuqa Zakada iyo nidaamka Waqafka Soomaaliya.
Kulanka Istanbul wuxuu fursad u noqon doonaa sii ambaqaadidda xiriirkaas, iyo in Soomaaliya ay cod iyo aragti ku yeelato doodaha caalamiga ah ee la xiriira mustaqbalka hay’adaha fatwada iyo adeegyada diinta Islaamka.







