Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 8-aad,Kulanka 3-aad ee wadajirka ah, waxaana Shir-Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.
Ajendaha kulanka wadajirka ah ee Maanta ayaa waxa uu ahaa Akhrinta Labaad ee Xisaab-xirka Sanad Miisaaniyadeedkii 2025 iyo Xeerka Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2027 oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana Labada Warbixin ee Xisaab-xirka Sanad Miisaaniyadeedkii 2025 iyo Xeerka Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2027 Mudanayaasha Labada Aqal la wadaagay Guddiyada Maaliyadda ee Baarlamaanka Labadiisa Aqal.
Intaasi ka dib, Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal weydiiyey Su’aalo la xiriira Xisaab-Xirka Sanad Miisaaniyadeedkii 2025 iyo Xeerka Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2027, iyagoo dhankooda si faahfaahsan uga jawaabay Su’aalaha ay Xildhibaanada weydiiyeen.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo Kulanka soo xiray ayaa sheegay in Xisaab-xirka Sanad Miisaaniyadeedkii 2025 iyo Xeerka Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2027 ay ka gudbeen Akhrinta Labaad, wuxuuna faray Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal in ay soo diyaariyaan Akhrintooda Sedaxaad iyagoo kusoo daraya Talooyinka iyo aragtiyada Xildhibaanada.






























