Heerarkii ay soo martay Qabanqaabada iyo qabashada Doorashada Xildhibaanada (Somaliland) ee Aqalka Sare.

Dib u habeyntii guddiga Doorashooyinka keddib waxaa soo if-baxay khilaaf xooggan oo u dhexeeyay dhinacyadii Guddiga Doorashooyinka oo u muuqday kuwo u kala jabsan laba garab oo kala taabacsanaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo isku mari la’aa qaabka ay noqonayso doorashada xubnaha gobolada woqooyi ee aqalka sare maaddaama Doorashadooda la guda galayay xiligaa.

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka duulaya xaqiijinta hufnaanta Doorashooyinka ayaa bilaabay kulamo uu la kala qaato labada dhinac oo is marin waa’ adag uu ka dhex jiray.

Kulamada dhinacyada ay khuseysay doorashada Gobolada woqooyi ayaa bilowday 24kii Maajo, xiligaa oo kulan albaabada u xiran yahay uu dhex maray Wasiirka Koobaad ee Xukuumadda iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaa xigay kullan uu la yeeshay Ra’iisul wasaaraha ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed.