Madaxweynihii ugu horeeyey Dowladda Goboleedka HirShabeelle oo Xalay geeriyooday

Allaha u naxariistee Madaxweynihii ugu horeeyey ee Dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa xalay geeriyooday, sida ay ehelladiisu u xaqiijiyeen Warbaahinta Qaranka.

 

Marxuumka ayaa xanuunsanaa muddooyinkii lasoo dhaafay, waxaana lagu xusuustaa doorkiisii Dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo Xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda federaalka, ka hor intii uusan Madaxweyne ka noqon HirShabeelle.

إِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ