Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS oo shir uga qeyb galay dalka Tanzaaniya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Cabdiwahaab Cabdi Cumar, ayaa magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania kaga qaybgalay Shirka Macnta iyo Maalgashiga (Tanzania Mining and Investment Conference), oo qabsoomay intii u dhexaysay 19-21 Nofeembar 2026, Shirka oo kulmiyey hoggaamiyeyaal, Khubaro iyo maalgashadayaal ka kala socday dalalka Afrika iyo caalamka, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda Istaraatiijiyadeed ee Khayraadka macdanta, kobcinta maalgashiga iyo sidii khayraadka dabiiciga ah loogu beddeli lahaa fursado dhaqaale oo waara, iyada oo la horumarinayo wax-soo-saarka iyo warshadaynta.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa intii kulanku socday ka hadlay baahida loo qabo in dadalka Afrika ay ka gudbaan ku tiirsanaanta dhoofinta Khayraadka ceeriin, una gudbaan nidaam dhaqaale oo ku dhisan wax-soo-saar, soo saarista Khayraadka iyo dhiirrigalinta maalgashiga, si loo abuuro fursado shaqo, loona kobciyo maalgashiga, isla markaana bulshada looga faa’iideeyo khayraadka dabiiciga ah ee qaaradda Afrika.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa madaxda kala duwan ee kulanka kasoo qeybgashay usoo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, isaga oo xusay in dalkeennu leeyahay Khayraad macdan oo baaxad leh, kaasi oo haddii loo helo maalgash.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee lagu horumarinayo ka faa’iideysiga macdanta, soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah, si kor loogu qaado horumarinta dhaqaalaha iyo kobaca nolosha bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa Qaaradda Afrika.