Hay’adda Global Safety Report oo ah hay’ad cilmi-baaris oo amniga Caalamka xog-uruurin ku sameysa ayaa soo saartay warbixin amniga Soomaaliya ay ku qiimeysay in 74% uu soo hagaagay, marka la cabbirayo dareenka badbaadada muwaadiniinta, sida markii ay safrayaan habeenkii iyo u kala socdaalidda deegaannada kala duwan ee dalka.
Natiijadan ayaa Soomaaliya ka dhigaysa dalka ugu sarreeya sookabashada degdegga ah dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika, iyadoo ka sarreysa celceliska caalamka oo ah 69%.
Waxa kale oo xusid mudan in Soomaaliya ay natiijadan kaga sarreysay dalal ay ka mid yihiin Ruushka (72%), Boqortooyada Midowday (71%), Faransiiska (71%), Hindiya (71%) iyo Australia (64%), halka Shiinaha uu lamid noqday qiimeynta Soomaaliya ee 74%.
Dhanka kale, Soomaaliya waxay heshay 75 dhibcood marka la eego Law and Order Index, oo cabbiraya kalsoonida booliska, dareenka amniga iyo waayo-aragnimada dadka ee dembiyada.
Inkastoo dhibcahani ay shan dhibcood ka hooseeyaan celceliska caalamka oo ah 80, haddana waxay muujinayaan sawir muhiim ah oo ku saabsan aragtida shacabka ee amniga Soomaaliya.
Natiijada Soomaaliya waxay sidoo kale muujinaysaa in xaaladda amniga aan lagu qiimayn karin oo keliya dagaallada iyo weerarrada, balse ay muhiim tahay sida muwaadiniintu u dareemayaan badbaadada nolol maalmeedkooda.


