HOGGAAMIYAHA GALMUDUG OO KA QAYB GALAY XUSKA MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa Qasriga Madaxtooyada kaga qayb galay munaasabadda xuska Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka Nofeembar, taasi oo lagu maamuusayo doorka macallimiinta Soomaaliyeed ee ku aaddan kobcinta aqoonta, tarbiyadda ubadka iyo dhismaha bulshada.

Hoggaamiyaha ayaa hambalyo u diray dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Galmudug, isaga oo xusay in macallinku yahay tiirka aas-aaska u ah horumarka bulshada iyo dowladnimada, maadaama uu door muhiim ah ku leeyahay soo saarista jiil leh aqoon, anshax iyo waddaniyad.

Hoggaamiye Liibaan ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay Dowlad Goboleedka Galmudug xoojinta waxbarashada, tayeynta macallimiinta iyo horumarinta fursadaha waxbarasho ee carruurta iyo dhallinyarada, waxa uuna bogaadiyey dadaalka iyo naf-hurnimada macallimiinta Soomaaliyeed ee ku shaqeeya duruufaha adag.

 

 

FB_IMG_1795328164648.jpgFB_IMG_1795328155959.jpgFB_IMG_1795328154024.jpg