-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar oo caawa ka dhacday Masraxa Shariif Saalax ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa adkeeyay kaalinta muhiimka ah ee macallinka Soomaaliyeed ku leeyahay kobcinta aqoonta, dhismaha garaadka iyo tarbiyadda jiilka soo koraya, kuwaasi oo laf-dhabar u ah mustaqbalka iyo horumarka Qaranka Soomaaliyeed.
“Dalkaan waxaa ugu qiima badan Macallinka kaasi oo duruufo adag ku shaqeeya, Sidaas awgeed, maanta heer ka fiican heerarkii hore ayay marayaan macallimiintu waxaana looga baahan yahay in ardayga Soomaaliyeed ay maskax ahaan u dhisaan.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xoojinta aqoonta, tayeynta xirfadaha iyo dhiirrigelinta macallimiinta, si loo xaqiijiyo ubadka soo koraya uu helaan waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadaysa halbeegyada caalamiga ah.






















