Guddoomiye Cali Shiine oo shirka 48-aad ee CAF uga qeyb galay Nigeria

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya (SFF), ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Golaha Xiriirrada Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa magaalada Abuja ee dalka Nigeria kaga qaybgalay Shirweynaha Guud ee 48-aad ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF).

Shirweynaha oo uu guddoominayay Madaxweynaha CAF, Dr. Patrice Motsepe, ayna goob joog ahaayeyn Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino, guddoomiyeyaasha iyo xoghayeyaasha guud ee 54-ka xiriir ee xubnaha ka ah CAF (oo ay ku jirto Soomaaliya), iyo wakiillo ka socda xiriirrada kale ee qaaradaha, ayaa ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee kubadda cagta Afrika, xoojinta iskaashiga xiriirrada xubnaha ka ah CAF, horumarinta tartamada qaaradda iyo joogteynta dhaqaalaha kubadda cagta qaaradda.

Intii uu shirku socday, CAF waxay ku dhawaaqday kobac maaliyadeed oo xooggan, Kaalmada la siiyo xiriirrada xubnaha ka ah CAF ayaa iyana kor u kacday, taas oo muujinaysa isbeddelka dhaqaale ee hay’addu sameysay shantii sano ee la soo dhaafay, Ergada shirka ayaa dib u eegis ku sameeyay warbixinta waxqabadka sannadkii la soo dhaafay, miisaaniyadda iyo xisaabaadka la hubiyay, wax-ka-beddelka xeerarka CAF, iyo qorshayaasha horumarinta kubadda cagta Afrika ee sannadka soo socda.

Ka qaybgalka Guddoomiye Cali Shiine ee Shir-weynaha 48-aad ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), ayaa muujinaya doorka Soomaaliya ee madasha go’aan-qaadashada kubadda cagta Afrika iyo sida uu Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya uu ugu dadaalayo horumarinta kubadda cagta dalka, xoojinta xiriirka hay’adaha kubadda cagta ee caalamiga ah iyo kuwa qaaradeed, iyo sidii Soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd barnaamijyada horumarineed iyo fursadaha ay bixiyaan CAF iyo FIFA.