Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Militariga ee Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Milatariga Jamhuuriyadda Türkiye, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee qotadadheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, sii adkeynta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, iyo dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah.