Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed Hambalyo u diray dhammaan Macallimiinta Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Macallimiintu Laf-dhabar u yihiin horumarinta Waxbarashada, kobcinta Garaadka Bulshada, barbaarinta Jiilasha iyo ilaalinta qiyamka suubban, iyagoo door muhiim ah ka qaata dhismaha Mustaqbalka iyo horumarka Qaranka.
waxa uu sidoo kale bogaadiyey adkaysiga, dadaalka iyo ka go’naanshaha Macallimiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo duruufo adag ku gudanaya waajibaadkooda, kuna dadaalaya soo saarista Jiilal Aqoon, Akhlaaq iyo Karti leh.

