Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan Macallimiinta Soomaaliyeed, Munaasabadda 21-ka Nofeembar oo ku beegan Maalinta Macallinka.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Macallimiintu ay Laf-dhabar u yihiin horumarka Bulshada iyo dhismaha Mustaqbalka Dalka, maadaama ay Jiilasha soo koraya ku barbaariyaan Aqoon, Akhlaaq, Waddaniyad iyo Dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed,
Mudane Xamsa, ayaa si gaar ah u ammaanay Macallimiinta Soomaaliyeed ee ku howlan gudashada waajibaadkooda Waxbarasho, kuwaas oo duruufo kala duwan ku shaqeeya, kuna bixiya dadaal iyo dulqaad si Ubadka Soomaaliyeed u helaan Waxbarasho iyo Fursado wanaagsan oo ay Mustaqbalkooda ku dhistaan, isaga oo adkeeyay in maamuusidda Macallinku ay tahay maamuusidda Aqoonta, horumarka iyo Mustaqbalka Ummadda.</p>
Ugu dambayn, Raโiisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay dadaalkii ugu badnaa ku bixisay helidda Bareyaal Aqoon u leh barbaarinta Ubadka.

