La-taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay qaadday tallaabooyin lagu difaacayo Amniga Qaranka, kaddib markii la xaqiijiyay in siyaasadaha Imaaraadka Carabta ay khatar ku yihiin midnimada iyo xasilloonida Dalka.
Mudane Aweys Xaaji Yuusuf ayaa tilmaamay in inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ogsoon yahay taageeradii hore ee Imaaraadka, haddana Amniga Qaranku waa uu ka sarreeyaa wax kasta, islamarkaana loo baahan yahay Dowlad mideysan oo awood u leh ka adkaanshaha Al-Shabaab, wuxuu sidoo Kalena xusay in heshiisyada Dekadaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo ee aan soo marin Dowladda dhexe, dhismaha saldhigyo Militari iyo Ciidamo ka baxsan Taliska Qaranka, iyo taageerada lagu kala qeybinayo Dowlad-Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, taasi oo wiiqayaan awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana abuurayaan nuglaansho Amni.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Hamza Cabdi Barre ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Imaaraatka Carabtu ay Soomaalida ku khiyaameen Seddex waxyaalood: magaca aas aasaha Sheekh Zayed, Khamiiska(Dharka) iyo Luqadda Carabiga. “Waligeen ma aaminsaneyn in musiibo ku dhex jiri karto Dharkaas”, Ereyadaasi waxa ka sheegay Garoon Ciyaareed oo ka qeybgaleen Dadweyne badan.
Wargeyska Caanka ah ee New York Times ayaa Qortay Maqaal: Imaaraatku wuxuu Garoomada Diyaaradaha Soomaaliyeed ka dhigay Saldhigyo Milateri.
Wargeyska Mareykanka ee “New York Times” ayaa shaaca ka qaaday Warbixin Jimcihii la daabacay in ‘Imaaraadka Carabta ay Garoomada Rayidka ah ee Gobollada Soomaaliya u beddeleen Saldhigyo ciidan oo waaweyn, iyadoo Sawirrada Dayax-Gacmeedka iyo Xogta Duulimaadyadu ay muujinayaan dabeecadda isbedeladaan, iyo sidoo kale booqashooyinka Diyaaradaha Mareykanka ee Goobahaan.
Warbixinta, oo ay diyaariyeen Weriyayaasha Christopher Cole, Inara Tiventhaler iyo Jay Lecour, waxaa Cinwaankeedu ahaa: “Imaaraatka Carabta si xasiloon ayuu ugu fadhiyaa Soomaaliya… Maraykankuna wuu eegayaa,” waxayna diiradda saartay ballaarinta kaabayaasha Militariga ee Imaaraatka Carabta Gudaha Gobollada Soomaaliya”. Cinwaanka baaritaanku wuxuu tilmaamayaa xiisaha sii kordhaya ee Maraykanka uu u qabo Goobahaas, isagoo sidoo kale iftiiminaya doorka Xogta Duulimaadyada iyo Sawirrada Dayax-Gacmeedka ay ka ciyaari karaan shaaca ka qaadista nooca howlaha socda ee Goobahan.
Andreas Krieg, oo ah Bare Sare ku takhasusay Daraasaadka Amniga ee Jaamacadda King’s College London, ayaa khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka ku tilmaamay mid qeyb ka ah loollan ballaaran oo u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Wareysi uu siiyay BBC Arabic ayuu ku sheegay in Sacuudiga, Turkiga, Qatar iyo Masar ay taageeraan Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya, halka Imaaraadka iyo Israa’iil ay xiriir Siyaasadeed iyo mid amni la yeelanayaan dhinacyo ka jira Gudaha Dalka, iyaga oo aan marin Dowladda federaalka.
Krieg ayaa aaminsan in Muqdisho ay hadda dareemayso inay heysato taageero ku filan oo uga timaadda Riyad iyo Xulafadeeda, taas oo u sahleysa inay ka hortagto Dhaqdhaqaaqyada Imaaraadka. Waxa uu sidoo kale sheegay in khudbaddii ugu dambeysay ee Madaxweynaha Soomaaliya ay muujinayso in khilaafku galay Marxalad Cusub.
Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, Jaasim Maxamed Al-Budaiwi, ayaa la saftay Imaaraadka Carabta isaga oo si kulul u cambaareeyay, ugana soo horjeestay hadalladda uu ku tilmaamay kuwo aan Mas’uuliyad ku dhisnayn iyo Ololayaasha Warbaahineed ee uu sheegay in ay yihiin kuwo dano gaar ah laga leeyahay, kuwaas oo lagu beegsanayo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, isla markaana uu sheegay in ay ka imaanayaan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Jaasim Maxamed Al-Budaiwi ayaa waxa uu u dhashay Dalka Kuwait, wuxuuna ahaa Safiirkii Hore ee Dalka Kuwait u fadhiyay Dalka Mareykanka ahaana Madaxa Ergada Kuwait ee Midowga Yurub. Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda in mowqifka uu Jaasim Al-Budaiwi ka dhiibtay arrintan uu yahay mid ay si wadajir ah ula qabaan dhammaan Dalalka Xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka, oo uu hoggaanka u hayo, iyo in uu yahay mowqifkiisa isaga u gaarka ah.
Siyaasiga Reer Sacuudi ee Abdulsalam Saleh una dhaw hogaanka Boqortooyada ayaa Imaaraaadka mar kale karbaashay kadib markii ay kasoo hadalsiiyeen maskiin reer Kuwait oo ah Xoghayaha Golaha Iskaashiga Khaliijka ah waxuuna yiri:- “Si cad oo aan mugdi ku jirin: waa kan hadalka kama dambaysta ah Sacuudi Carabiya waxay mar kale xaqiijinaysaa taageeradeeda buuxda ee ku aaddan Madax-Bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya’.
Imaaraadka Carabtu waxay isku dayayaan inay ku qariyaan dambiyada ay ka galeen Soomaaliya iyagoo adeegsanaya Magaca Dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), halka xaqiiqada dhabta ah ay tahay inay gabi ahaanba iska indho-tiraan Golahaas, markii ay ka hawlgalaya meel ka baxsan qaab-dhismeedkiisa si ay u fuliyaan ajandayaasha dhinacyo kale!. “Waxaan aaminsanahay in xanaaqa ama carada loo hayo Imaaraadka ay sii siyaadi doonto oo kaliya; waxaa lagama maarmaan ah inay miyirka dib ugu soo noqdaan. Waxaa muuqata qadiyadaan in Soomaaliya hiilo badan oo damiirka nool ka tarjumaya ay ka helayso dhamaan Dalalaka waawayn ee Carbeed sida Sacuudiga Algeria, Masar, Qatar iyo Ciraaq waana guulo in Madax Banaanidaada la garab istaago fiican”, ayuu yiri.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Moalim Fiqi, ayaa weerar Afka ah oo xooggan ku qaaday Safiirka Imaaraadka Carabta, isaga oo ku amray inuu ka baxo Dalka maadaama xiisadaha Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi ay sii kordhayaan, wuxuuma ku eedeeyay Safiirka isagoo ku matalaya ‘Hargab iyo xumaan’, isaga oo sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay si isa soo taraysa uga warqabaan qorshayaal ku saabsan Madax Bannaanida, Midnimada iyo Ammaanka Qarankooda.

“Waxaan ka daalnay safiir Matalaya kacdoon iyo xumaan!” Fiqi ayaa sidaasi yiri, wuxuuna ku boorriyay Wakiilka UAE inuu ka tago Soomaaliya, isaga oo gudbinaya fariin cad oo ku saabsan Madax Bannaanida Dalka iyo sharafta Qaran. “Boorsadaada xiro oo bax; Soomaaliya way ka weyn tahay hamigaaga, Sharafka Dadkeeduna wuu ka weyn yahay saameyntaada iyo Lacagtaada,” ayuu yiri.
Mudane Fiqi ayaa intaa ku daray in Qof kasta oo aan ixtiraamin Madax-Bannaanida Soomaaliya aanu xaq u laheyn inuu farageliyo arrimaheeda Gudaha ama ka hawlgalo Dhulkeeda. Hadalladiisu waxay ku soo beegmayaan xilli xiisad Diblomaasiyadeed oo sii xoogeysanaysa oo u dhaxaysa Labada Dal. Soomaaliya waxay amartay Safiirka Imaaraadka, Axmed Juma Al-Rumaithi, inuu ka baxo 72 Saacadood gudahood, waxayna dib ugu celisay Safiirkeeda Abu Dhabi si uu la tashiyo ula soo sameeyo Dalkiisa.
Dhinaca kale Baraha Bulshada ayaa waxaa ka socda Dagaal aan waxba la iskula harin “Emaaraadow ha nagu Abaal dhicina Sanadkii 1987-kii Dadka Imaaraadka waxay gaajo Darteed u cunayeen Ayaxa, isla Sannadkaas Biya la’aan ayaa ka dhacdey Emaaraadka, Dowladdii Milatariga ayaa Deeq Lacageed gaarsiisey, si Biyo loogu dhaamiya, Maanta ma aha in Imaaraat na farageliyo oo nagu abaal dhaco”.

Awooda Qarsoon ee Soomaalida ee Imaraatka uga yaabisay. Facebook waxaa heysta dagaalka Soomaaliya iyo Imaraad, laakiinse midda cajiibka ayaa waxay muujinaysaa saameynta Soomaalidu leeyihiin xitaa sidaa hadal heyn uma dhalin, iyadoo wadamo waaweyn oo Carbeed xiriirka u jareen sida Aljeeriya, Sudan, Yemen, Libya iyo kuwo kale. Soomaalida mar kasta waa Dad saameyn leh.

Ugu dambeyntii Soomaalidu waxay wax ku cabiraan Suugaan, hees mar dhow soo baxday ayaa Miraheeda waxaa ka mid ahaa:- Falastiin Ninkii gabay, kala goyay Liibiya, Gaasiraya Suldaan, galad kama sugaayee ha gurteen Alaabada.

