Shirka Wadatashiga Hindise-sharciyeedyada Xabsiyada iyo Ciidanka Asluubta oo ka furmaya Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ka furmaya Kulan wadatashi ah oo looga arrinsanayo Hindise-Sharciyeedyada Xabsiyada iyo Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee 2026.

 

Kulanka waxaa ka qeybgalaya Hay’adaha Dowladda, Labada Aqal ee Baarlamaanka, Hay’adaha Amniga, Ururrada Qareennada iyo qeybaha kale ee ay khuseyso, si looga wada tashado loona dhammaystiro Hindise-Sharciyeedyadan.