Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Abdisalam Ali, ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway kula kulmay Mudane Johan Berggren oo ah Xoghayaha Sweden u qaabilsan Arrimaha Dibadda.
Labada masuul oo ka qeybgalay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Afrika iyo Waqooyiga Yurub (Africa Nordic ayaa carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga muddada dheer ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, iyo horumarinta arrimaha mudnaanta u leh labada dal.
Wasiirka Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyey dowladda Sweden taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dalka, dhismaha hay’adaha dowladda iyo dadaallada dowlad dhiska.

