Buugga Baadigoobka Nabadda Geeska Afrika oo lagu soo bandhigay Mareykanka

Buugga loogu magacdaray Baadigoobka Nabadda Geeska Afrika oo uu qoray Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa lagu soo bandhigay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minesota oo ka tirsan Dalka Mareykanka.

Bandhigga Buugaan oo ay soo qabanqaabiyeen xarunta Soomaali Ameerica waxaa ka ka qeybgalay qaar kamid ah hoggaamiyaasha bulshada Soomaaliyida ee qqurbo-joogta ah.

Sidoo kale xafladdii loo sameeyay soo bandhigidda buugaasi waxaa kaloo ka qeybgalay Xildhibaan Maxamuud Nuur oo ka tirsan Golaha Wakiilada Mareykanka,Guddoomiyihii hore ee Guffihha Doorashooyinka Marwo Xaliimo Ismaaciil .Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cadde gaaboow,siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore.

Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo ka hadlay xafladdii bandhigga buugaasi ayaa u mahadcelisay Soomaalida ku dhaqan Dalka Mareykanka,isagoo ku ammaanay dadaalka iyo horumarka ay ka sameeyeen Gobolka Minesota iyo guud ahaan kaalinta wax ku oolka ah ee ay ka qaateen horumarada ka muuqda dalkaasi.