Ra’iisal wasaare Xamse “Hay’adda Tirakoobku waa muraayadda Qarankeena”

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Maanta ka qeyb-galay Munaasabadda Xuska Maalinta Istaatiistikada Afrika 2026 (African Statistics Day), oo oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Istaatistikada Qaranka (SNBS) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS, iyada oo Sannadkan hal-ku-dhigeedu yahay Hirgelinta Nidaam joogto ah oo lagu soo saaro Istaatistikada Biyaha iyo Fayo-dhowrka, si loo helo Horumar waara oo adkaysi u leh Isbeddelka Cimilada Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay in si dhab ah loo fahmo xaaladda uu Dalkeennu ku suganyahay iyo sida wax looga beddeli karo duruufaha kala duwan iyo baahiyaha Bulshadeenna, si loo gaaro go’aanno sax ah, loona dajiyo Barnaamijyada hor-tebinta leh, iyada oo la hirgalinayo horumar wax-ku-ool ah.

“Hal-kudhigga Sannadkan waxa uu si gaar ah diiradda usaaraya Istaatistikada Biyaha iyo Fayo-dhowrka, Biyo-yaraanta, Abaaraha soo noqnoqda, Fatahaadaha, adeegyada fayo-dhowrka oo aan ku filnayn iyo culaysyada ka dhasha. Isbeddelka Cimiladu waxa uu saamayn ku leeyahay Nolosha Dadka, Caafimaadka Bulshada, sugnaanta Cuntada iyo Fursadaha Dhaqaale.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in caqabadaha Dalkeenna haysta looga gudbi karo marka la helo xog wax-ku ool ah oo sugan, oo muujinaysa Tirakoobka saxda ah ee Bulshada, adeegyada asaasiga ah ee la heli karo, meelaha ay ka jiraan gaabiisyo adeeg iyo goobaha u baahan in Maalgashi lagu sameeyo, si loo hago mudnaanta Ummadda, Saldhigna ay ugu noqoto Maalgashi Dadweyne si Dadka Soomaaliyeed ay u noqdaan kuwo u adkaysan kara saameynta isbeddelka Cimilada.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in sanado dhawr ah aan Dalkeenna laga samayn tirakoob dhammaystiran oo Dadweynaha iyo Guryaha ah, balse hadda loo baahanyahay in loo diyaar-garoobo , lagana shaqeeyo qabashada Tirokoobkaas, si sare loogu qaado tayada, dhamaystirnaanta, helitaanka iyo wadaagista xogta Maamul ee ay Hay’adahha Dowladdu soo saaraan.