Muqdisho(Wargeyska Dalka)–Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay (FAO) Mr. Etienne Peterschmitt, iyo Xubno Sare ee uu hoggaaminayay.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda, ayaa looga wada hadlay Barnaamijyada horumarineed ee mudnaanta leh, iyadoo la adkeeyay muhiimadda Maalgelinta Istaraatiijiyadeed ee muddada dheer, si loo gaaro natiijooyin wax-ku-ool ah oo waara, lana taageero horumarka Soomaaliya

