Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaraya Waddada Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta xarigga ka jaraya Waddada Jamhuuriya oo dhacda Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Xafladdii xarig-jarka ayaa ka warbixiyay dadaalka Dowladda ee ku aadan dib u dhiska Dalka iyo ahmiyadda wadadaan ay u leedashay Bulshada Soomaaliyeed.

 

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku baaqay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka qeybqalaan dib u dhiska Dalka,isagoo dhinaca kale yiri “Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay jiritaankeena ciddii duulaan ku ah aan iska qabanno.