Ciidamada Xoogga Dalka oo dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku guda jira howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ayaa maanta howlgal ka fuliyey duleedka deegaanka Moora Hagar Guudale, oo qiyaastii 20 KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Howlgalka ayaa lagu dilay horjooge lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Dhaayow, kaas oo kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa ururinta lacagaha iyo xoolaha ay si baad ah uga qaadaan shacabka ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Bakool.

Howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu baacsanayo maleeshiyaadka argagixisada ayaa sii soconaya, iyadoo si gaar ah loo bartilmaameedsanayo horjoogayaasha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya godadka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa geesinimada iyo naf-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxayna adkaynaysaa in la sii dardargelinayo howlgallada lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyaadka argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.