Soomaaliya iyo India oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay wafdi ka socda Jamhuuriyadda Hindiya oo ay hoggaaminaysay Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya u qaabilsan (CPV & OIA) Marwo Sripriya Ranganathan.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya, iyagoo sidoo kale wadahadalka diiradda ku saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada danta guud, Wadahadalladu ayaa qayb ka ah dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.