Somaaliya 1941–1950: Hantidii la kala qaatay iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee lumay xilligii maamulkii Ingiriiska Qeybta 2-aad (MAQAAL)

eybtan 2-aad waxaa looga hadlayaa Warshaddii Cusbada ee Xaafuun, iyadoo la xusayo dhacdo kale oo muhiim ah waxayna ahayd kala qaadistii qalabkii warshadaha cusbada ee Xaafuun, oo Talyaanigu u yaqaanay Dante. Warshadahaasi waxay ka mid ahaayeen xarumihii waaweynaa ee wax-soo-saarka cusbada ee Soomaaliya. Cusbada halkaas laga soo saari jiray waxaa loo dhoofin jiray suuqyo caalami ah, waxaana xarumuhu abuureen shaqooyin iyo dhaqdhaqaaq ganacsi oo muhiim u ahaa deegaanka.

 

Qoraallo taariikheed ayaa tilmaamaya in sannadkii 1943 la kala qaaday qalab badan oo ka mid ahaa warshadahaas, oo ay ku jireen matoorro iyo qalabkii wax-soo-saarka. Tallaabadaasi waxay saamayn ku yeelatay sii socoshadii hawlihii warshadaha iyo dhaqaalihii deegaanka Xaafuun.

cusbada 1.jpg

Sidoo kale, qoraallo taariikheed ayaa xusaya hoos u dhac iyo xiritaanka xarumo kale oo wax-soo-saar, oo ay ka mid ahaayeen xarumihii kalluumaysiga Aluula iyo goobihii macdanta ee Mayahan iyo Kandala. Goobahaas waxaa lala xidhiidhin jiray kalluumaysiga ganacsiga iyo soo saarista macdanta. Hase yeeshee, faahfaahinta ku saabsan taariikhda saxda ah ee xiritaankooda iyo inta qalab ee la raray waxay u baahan tahay in lagu sii baadho diiwaannada maamulka Ingiriiska iyo dukumentiyada ganacsiga ee xilligaas.

 

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la xuso buundadii birta ahayd ee Afgooye, taas oo ka mid ahayd kaabayaasha gaadiidka ee gobolka Shabeellaha Hoose. Qoraallo taariikheed ayaa tilmaamaya in iyadana la kala qaaday. Tani waxay qayb ka ahayd isbeddelkii ku dhacay isku xidhkii gaadiidka iyo wax-soo-saarka beeraha ee gobolka.

 

Daraasadaha taariikhiga ahi waxay muujinayaan in kala qaadista tareenka iyo qalabkii Warshadaha Soomaaliya aysan ahayn dhacdooyin gooni-gooni ah. Waxay qayb ka ahaayeen xaalad ballaadhan oo ka dhalatay Dagaalkii Labaad ee Adduunka, qabsashadii dhulalkii Talyaaniga iyo siyaasaddii Ingiriiska ee maamulidda hantidii gumaysiga laga qabsaday.

 

Waxaa muhiim ah in la fahmo in Talyaanigu Soomaaliya uusan u dhisin kaabayaashaasi dano samafal oo keliya. Mashaariicdu waxay si weyn ugu xirnaayeen danaha dhaqaale, ganacsi iyo istaraatiijiyadeed ee gumaysiga. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxay la kulmeen takoor, mushahar aan sinnayn iyo xaalado shaqo oo adag.

 

Dhanka kale, xaqiiqadaas ma yaraynayso muhiimadda taariikheed ee kala qaadistii hantidii warshadeed iyo kaabayaashii gaadiidka ee dalka. Qalabkii la raray iyo xarumihii la xiray waxay ahaayeen hanti wax-soo-saar oo dib loo isticmaali karay, haddii la sii ilaalin lahaa ama loo qorshayn lahaa horumarinta dhaqaalaha dalka.

 

Sidaas darteed, waxaa habboon in la isweydiiyo saamaynta ay tallaabooyinkaas ku yeesheen horumarkii dhaqaale ee Soomaaliya. Maxaa ku dhacay shaqaalihii ka shaqayn jiray xarumahaas? Xaggee loo raray qalabkii tareenka iyo warshadihii cusbada? Maxay ahayd siyaasadda rasmiga ah ee maamulka Ingiriiska ee ku saabsan hantidii uu kala wareegay Talyaaniga? Su’aalahan waxay u baahan yihiin jawaabo ku dhisan dukumentiyo rasmi ah, kaydka taariikhda iyo cilmi-baadhis madax-bannaan.

 

Ugu dambayn, muddadii 1941 ilaa 1950 waxay ahayd marxalad #muhiim ah oo saamayn ku yeelatay qaab-dhismeedkii dhaqaalaha Soomaaliya. Kala furfuristii tareenkii Muqdisho–Afgooye–Jowhar, raristii qalabkii warshadaha Xaafuun iyo hoos u dhicii xarumo kale oo wax-soo-saar waxay ka mid yihiin dhacdooyinka mudan in si qoto dheer loo baaro.

 

Taariikhdaas waa in aan lagu koobnaan xusuus iyo hadal la isku gudbiyo. Waxaa loo baahan yahay in la ururiyo dukumentiyada Ingiriiska iyo Talyaaniga, warbixinnada Qaramada Midoobay, diiwaannada shirkadaha iyo markhaatiyada bulshada, si loo helo sawir dhammaystiran oo ku saabsan hantidii Soomaaliya, wixii la dhisay, wixii la kala qaaday iyo saamayntii ay arrimahaasi ku yeesheen horumarka dalka.

 

TIXRAACYADA TAARIIKHIGA AH:-

1. Paolo Tripodi, The Colonial Legacy in Somalia: Rome and Mogadishu from Colonial Administration to Operation Restore Hope (1999).

2. Francesca Locatelli, Imagining the Nation, Crafting the State: The Politics of Nationalism and Decolonisation in Somalia (1940–60).

3. Qaramada Midoobay, dukumentiyada taariikhiga ah ee ku saabsan Soomaaliya iyo maamulka dhulalka aan weli madaxbannaanida gaarin.

4. Mohamed Trunji, Somalia: The Untold History 1941–1969.

 

W.Q. Eng. Salah Shek Osman

oo ah Cilmi baare dhaqanka iyo nabadda ah