Magacyada Xildhibaanada Aqalka Sare ee guuleystay shanta kursi ee maanta lagu doortay Muqdisho

Iyadoo maanta ay aheyd Maalintii ugu dambeysay Doorashada kursaasta Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa waxaa goor dhow soo gabogaboobay 5-tii kursi ee ugu dambeysay.
Shantan kursi ayaa kamid ahaa 11-ka kursi ee gobolada Waqooyi ay ku leeyihiin Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Hadaba, kuraastii maanta lagu doortay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho oo ay doorashadan ka dhacday ayaa waxaa kusoo baxay mudanayaashan magacyadoodu ay kala yihiin:

1- Deeqa Xasan Xuseen
2- Cabdirisaaq Axmed Cali
3- Naciima Xasan Xaaji
4- Saciid Cabdi Xasan Cowke
5- Abwaan Axmed Ibraahim Maxamed Qorane
Sidaas waxaa ku soo idlaaday doorashada aqalka sare ee Soomaaliland, sida uu ku dhawaaqay guddiga maamulaya doorashada.