Hoggaamiyaha Koofur Galbeed oo lagu soo dhoweeyey degmada Baraawe

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Soo dhaweynta Hoggaamiyaha waxaa ka qeybgalay wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Guddoomiyaha Degmada Baraawe, saraakiisha hay’adaha amniga, odayaasha dhaqanka iyo boqollaal ka mid ah shacabka Magaalada Baraawe ee Caasimada Koonfur Galbeed.

Socdaalka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ee Magaalada Baraawe ayaa salka ku haya u kuurgelidda xaaladaha nololeed ee shacabka, qiimeynta guud ee amniga, iyo sidii loo ogaan lahaa baahiyaha ka jira dhinacyada adeegyada bulshada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah nolosha dadka deegaanka.

Inta uu ku sugan yahay Magaalada Baraawe, Hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ayaa diiradda saari doona xaaladda guud ee Magaalada, baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhexeysa maamulka, hay’adaha amniga, odayaasha dhaqanka iyo shacabka.