Dawladda Soomaaliya oo u tacsiyeysay shacabka iyo Dowladda kenya

Dawladda Fedraalka ee Soomaaliya qaxa ay cambaaraynaysaa weerarka kooxaha argagaixsada ee ay ku dileen sideed muwaadin oo Kenyaan ah.

Dawladdu ayaa dhambaalkaasi cambaareynta ah ku muujisay sida ay uga xun tahay dhimashada dadka reer Kenya ,waxayna tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelada shacabkii ku naf wayay weerarkaas fulaynimada ah.

Argagixisadu waa Cadaw caalami ah oo u baahan in si wada jir ah loola dagaalamo iyaga iyo cid kasta oo xiriir la leh kooxaha nabad-diidka ah,waxaana dhinaca kale qoraalkaan cambaareynta ah lagu mamnuucay in gabbaad la siiyo khawaarijta iyo kuwa xiriirka la leh.

qor.jfif