Aljeris-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/ Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa gaaray Magaalada Aljeris ee Caasimadda Dalka Aljeeriya.
Wasiirka ayaa halkaasi kaga qeeyb galaya furitaanka shirka Wasiirada Caddaaladda ee Wadamada Carabta kasoo ka furmaya Caasimadda Aljeris ee Dalka Aljeeriya.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya Mudane Yuusuf Axmed Xasan ( Yusuf Jeego) iyo Agaasimaha Guud Xabsiyadda Dalka Aljeeriya Mudane, Zerb Saciid iyo Madax sare oo ka socotay Wasaaradda Cadaaladda Dalka Aljeeriya ayaa halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirka iyo Wafdigiisa.

