Dowladda Soomaaliya oo 171 Muwaaddin Dalka dib ugu soo celisay

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dalka dib ugu soo celisay 171 Muwaaddiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo muddo dheer ku dhibaataysnaa Xabsiyada ku yaalla Dalka Liibiya.

 

Soo dhoweynta Muwaaddiniintan ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali, iyo Wakiillo ka socday Midowga Yurub, Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Jarmalka (GIZ) iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).

 

Agaasimaha Caafimaadka Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Saadiya Maxamed Macallin Xasan, ayaa xaqiijisay in 171-ka Muwaadin loo sameyn doono baaritaanno Caafimaad oo dhammaystiran, si loo qiimeeyo xaaladdooda Caafimaad loona ogaado baahiyaha Caafimaad ee ay qabaan.

 

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr. Cali Xaaji ayaa sheegey in fiiro gaar ah la siin doono Muwaadiniinta qaba baahiyaha gaarka ah, si loo xaqiijiyo helitaankooda adeegyo Caafimaad oo ku habboon, badqabkooda iyo Daryeel guud oo waafaqsan baahiyahooda.